Golaha Ammaanka ayaa goor dhoweyd shir uga furmay xaruntooda magaalada New York, iyadoo kulanka looga hadlayo xaaladda Soomaaliya.
Shirka oo ay ka qeyb galayaan 15 ka dowladood ee Golaha ammaanka ayaa waxaa warbixin ka jeedin doona madaxweynaha Soomaliya Xasn Sheekh Maxamuud oo xalay gaaray magaalada New York.
Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa inuu qaraar kasoo saaro xaaladda Soomaaliya, iyadoo xaaladda kala guurka ah lagu jiro, iyadoo dhowaan heshiis laga gaaray qaabka doorashada 2016.
Wakiilka Xoghayaha guud ee Q/Midoobay ayaa isna warbixin ka siin doona golaha horumarka laga gaaray xilliga kala guurka iyo doorashadooyinka la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan aakhirka sanadkan.
Wadani.com