Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Golaha Ammaanka Q/Midobay oo shir Gaara ka yeeshay Xaaladda Somaliya. “Jidka kaliya ee furan waa…”

    Golaha Ammaanka Q/Midobay oo shir Gaara ka yeeshay Xaaladda Somaliya. “Jidka kaliya ee furan waa…”

    April 21, 2021Updated:April 21, 20212 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in dib loo soo nooleeyo wadahadalladii Afisyooni ee u dhexeeyay Dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamul goboleeyada, kaddib shir ay warbixin uga dhageysteen wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

    Ma jirin bayaan guud oo ka soo baxay qolaha Ammaanka, maadaama shirkan ahaa mid albaabadu u xaranyihiin, hase yeeshee waddamada qaar ayaa soo bandhigay qodobadii shirkaas looga hadlay iyo waxyaabihii ay ka yiraahdeen xaaladda cakiran ee Soomaaliya.

    “Dariiqa kaliya ee u furan Soomaalida waa in dib loo billaabo wadahadalladii doorashada ee ku saleysanaa heshiiskii 17 September,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaay ergada Norway ee Golaha Ammaanka.

    Waddanka Ireland oo isna ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa diray farriin taa la mid ah, waxaana qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada dalkaas loogu baaqay madaxda Soomaalida inay dib u soo nooleeyaan wadahadalkiii doorashada, lana qabto doorasho loo dhanyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

    Safiirka India ee Qaramada Midoobay T. S. Tirumurti ayaa boggiisa Twtitterka soo bandhigay afar qodob oo uu sheegay inuu uga hadlay shirkaas, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; In Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleeydu ku laabtaan madasha wadahadalka, in la hirgaliyo heshiiskii 17-kii September iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo, in caqabadaha siyaasaddu ay dhiirragalinayaan Al-shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah iyo inay soo dhaweynayaan dadaallada midowga Africa.

    Shirkan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo is-mariwaaga siyaasadda Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan weli ka tanaasulin muddo kororsigii golaha shacabku sameeyay 12-kii bishan April, kaas oo ay ugu yeereen jiheynta doorashooyinka dalka.

    Qarmada Midoobay waxay hore u sheegtay inaysan taageri doonin muddo kororis, doorasho aan la isla oggoleyn iyo fal kasta oo keeni kara amni darro iyo fowdo.

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa todobaadkan ka codsaday guddoomiyaha midowga Africa ahna madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo Flex Tshikedi inuu dhex-dhexaadiyo Soomaaliya, isla markaana uu dusha kala socodo wadaxaajoodka xal u helista is-mariwaaga doorashada.

    Doorasho Middo kororsi Somalia UNSC
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSheekh Shariif oo ka guuray Aagga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Xarun cusubna ka sameystay…
    Next Article Saddexda Arrin ee looga badbaadi karo Dagaal Muqdisho ku dhex mara Maxamed Farmaajo iyo Musharixiinta

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Sacuudiga oo ku dhawaaqay dhalashada Bisha Dulxaj ee Carafo iyo maalmaha Ciidul Adxaa

    May 27, 2025

    Xasan Kheyre oo soo saaray dalab culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh

    May 27, 2025

    Sheekh Shariif oo Madaxda Dowladda Somaliya ku eedeeyay xaalad ka taagan Degmo ka tirsan Muqdisho

    May 27, 2025

    Muuqaalka qabsday Baraha Bulshada ee Madaxweynaha Faransiiska iyo Xaaskiisa (Daawo)

    May 26, 2025

    Wasiirkii Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamud Cali Yuusuf oo loo Doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika

    February 15, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo