Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa u coddeeyey qaraar mudadda loogu kordhinayo Xafiiska Howlgalka Soomaaliya ee UNSOM, oo sanad kale lagu daray.
Golaha ayaa ka dooday xaaladda Soomaaliya, sida arrimaha bini’aadannimada, siyaasadda, xuquuqda aadanaha iyo amniga, wuxuuna meel mariyey Qaraarka tirsigiisu yahay 2540, kaasoo waqtiga loogu kordhiyey safiiska Soomaaliya ee UNSOM ilaa 31 August 2021-ka.
Kulanka xalay ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesheen Howlgalkooda Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa sanad kasta dib loogu eegaa shaqada xafiiskaasi.
