Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, July 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Golaha Ammaanka Q/Midoobay oo War kasoo saaray xaaladda Somalia [Akhriso Qodobada laga dalbaday dowladda Federaalka]

    Golaha Ammaanka Q/Midoobay oo War kasoo saaray xaaladda Somalia [Akhriso Qodobada laga dalbaday dowladda Federaalka]

    November 26, 2019Updated:November 26, 20192 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Ammaanka Q/Midoobay ayaa war kasoo saaray xaaladda Soomaaliya, kadib markii Golaha ay warbixinno u jeediyeen 21-kii Novembar 2019, Wakiilka Q/Midobay James Swan, Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madeira, guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qara Xalimo Ismacil Ibrahim iyo Mdaxa ururrada Bulshada Osman Moalim.

    Xubnaha Golaha Amniga Q/Midoobay waxay sood howeeyeen balanqaadkii dowladda Federaalka ee shirkii Wadatashiga Muqdisho 2-da Oktoobar oo ahaa in Sharciga Doorashada la ansixinayo Bishan Disembar 2019, lana qabanayo doorasho hal qof iyo hal cod ah, wuxuuna Golaha hoosta ka xariiqay in doorasho nabadgelyo ah, loo dhan yahay oo ku dhacda si hufan oo kalsooni leh ay noqon doonto tallaabo taariikhi ah oo hore loogu qaaday dib u dhiska iyo horumarinta dimoqraadiyadda.

    Golaha Ammmaanka wuxuu caddeeyay in meel marin Doorashada ay u baahan tahay heshiis, wuxuuna ugu baaqay dhammaan hay’adaha iyo dhinacyada Soomaalida inay khilaafkooda dhinac iska dhigaan oo ay bilaabaan wadahadal wax dhisaya.

    Xubnaha Golaha Ammaanka waxay adkeeyeen in hannaanka doorashada Soomaaliya uu noqdo mid loo dhan yahay, oo ogolaanaya inay ka qeyb qaataan dhammaan degaanada iyo beelaha, waana inay si buuxda uga qeyb qaataan haweenka oo la siiyo ugu yaraan qoonde ah 30% xildhibaannada dalka.

    Dowladda Soomaalioya ayuu Golaha Ammaanka ugu baaqay inay soo celiso xiriirkii ay la lahayd maamul Goboleedyada, ayna si nabad ah ku xaliyaan khilaafaadka u dhaxeeya. Waxay si gaara u tilmaameen in baahi loo qabo xal laga gaaro khilaafka Jubbaland, waxay kaloo ku booriyeen in hormar laga sameeyo dib u heshiisiinta iyo qabanqaabada doorashada Galmudug oo ay ku door ku yeeshaan UNSOM iyo AMISOM.

    Golaha Amniga Q/Midoobau waxay dib u xaqiijiyeen Qaranimada, madax bannaanida Soomaaliya inay tahay lama taabtaan.

    HALKAN KA AKHRISO BAYAANKA GOLAHA AMMAANKA

    SECURITY COUNCIL PRESS STATEMENT ON SOMALIA
    Golaha Ammaanka Somalia UNSC
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSECURITY COUNCIL PRESS STATEMENT ON SOMALIA
    Next Article Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo si Qarsoodi ah ku galay Mandheera & Ciidamada Kenya oo Amnigiisa la wareegay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo