Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Golaha Amniga oo Waqtiga u kordhiyay Howlgalka Ciidamo ay Somaliya dalbatay in lasoo afjaro

    Golaha Amniga oo Waqtiga u kordhiyay Howlgalka Ciidamo ay Somaliya dalbatay in lasoo afjaro

    December 4, 2021Updated:December 4, 20212 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qaraarka Mareykanka oo 3 Bilood kusoo koobay iyo Faransiiska oo ka qeyliyey xilliga

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii u codeeyay in la kordhiyo barnaamij u oggolaanaya ciidamada badda caalamiga ah in ay la dagaalamaan kooxaha burcad badeedka ah ee xeebaha Soomaaliya, balse muddo saddex bilood oo kali ah ayaa la cusbooneysiiyay, iyadoo Soomaaliya ay dooneyso in ay si buuxda u hesho maamulka biyaheeda.

    Qaraarkan oo uu soo diyaariyay Mareykanka ayaa waxaa si aqlabiyad leh u ansixiyay dhammaan 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka.

    Faransiiska ayaa ka digay in mudddada la kordhiyay ay aad ugu yar tahay in uu si sax ah ku shaqeeyo howlgalka la dagaalanka burcad badeedda ee Europe ay hoggaamineyso ee xeebaha Geeska Africa, waxayna taasi halis gelineysaa in ay abuurto “firaaq amni.”

    Barnaamijkan muddada uu socday, “ma jirin wax weerar ah oo la soo wariyay muddo afar sano ah” ayay tiri Sheraz Gasri, oo ah isku-duwaha ergada Faransiiska ee QM.

    DowladdaSoomaaliya ayaa carrabka ku adkeysay in maadaama aysan jirin weerarrada burcadbadeedda ee galbeedka badweynta India ay tahay in howlgalkan la soo afjaro, waxayna dalbatay inay muhiim tahay inaan la sii wadin howlgalkan.

    Muddada loo cusbooneysiiyay ee saddexda bilood ah “waa in ay oggolaataa in loo gudbo hab iskaashi ciidan oo laba geesood ah,” ayuu yiri ergayga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan oo ku ammaanay barnaamijkan in uu “ku guuleystay” ciribtirka burcad-badeedda

    “Maqnaanshaha burcad-badeeddu waxa ay shaki la’aan ka dhigaysaa in sii socoshada ciidameynta ee baddeenna iyo dhulkeenna ay dhabtii tahay mid aan xiriir la laheyn burcad-badeed iyo dhaca hubeysan ee inta badan Soomaaliya,” ayuu yiri.

    Sida uu sheegay mid ka mid ah diblumaasiyiinta, Soomaaliya ayaa intii ay socotay doodda Golaha Ammaanka waxa ay si weyn u diiday in muddo kordhin hal sano ah loo sameeyo howlgalka, waxayna ku baaqday in “dib looga fakaro” qorshahan.

    Badi howlgallada ka dhanka ah burcad-badeedda ayaa waxaa qaada Atalanta, oo ah howlgalka reer Yurub oo ay qeyb ka yihiin maraakiib iyo diyaarado kuwaasi oo lagu ilaaliyo ammaanka biyaha u dhow Soomaaliya. Howlgalkan oo la bilaabay 2008-dii ayaa Golaha Europe waxa uu muddadiisa cusbooneysiiyay illaa December 2022-ka.

    Howlgalka Badda UN UNSC
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTaliska Milateriga oo wareejiyey Askartii loo heystay Dilka Sakariye & Sowda (Yaa la wareegay..?)
    Next Article Saraakiil Kenyaan ah oo lagu dilay Werar Alshabaab ku qaaday Mandhera iyo faahfaahin laga helay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo