Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Golaha Amniga Q/Midoobay oo War Cusub soo saaray. “Waa in Madaxda Soomaalida si degdega oon shuruud lahayn..”

    Golaha Amniga Q/Midoobay oo War Cusub soo saaray. “Waa in Madaxda Soomaalida si degdega oon shuruud lahayn..”

    April 23, 2021Updated:April 24, 20212 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dallaka Xubnaha ka ah Golaha Ammaanka Qaramad Midoobay ayaa muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin sii socoshada is-mari waaga siyaasadeed iyo khilaafaadka Doorashada ee u dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya.

    Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen in is afgaradku muhiim u yahay qaab kasta oo doorasho oo si guul leh lagu gaarsiiyo dalka. Waxay caddeyeen heshiiskii 17-kii Sebtember 2020, inuu weli yahay aasaaska kaliya ee ay ansixiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

    Qoraalka Golaha Amaanka Q/Midoobay ayaa lagu sheegay in is-afgarad laga gaaro arrimaha doorashooyinka ay taageeri doonto sii socoshada horumarka Soomaaliya iyo dadkeedaba. Waxay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada Soomaalida inay diidaan rabshadaha, ayna dib u bilaabaan wadahadalka si degdeg ah oo aan shuruud lahayn.

    Waxay ugu baaqeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay aqoonsadaan oo ay ka anba qaadaan qeybaha badan ee heshiiska horay looga gaaray, si loo xalliyo khilaafa Doorashada inta ka harsan, iyo in wax walba laga hor mariyo danaha dadka Soomaaliyeed, inta lagu gudajiro geeddi-socodka doorashooyinka ee ay Soomaalidu leedahay, ee ay Soomaalidu horseedka ka tahay.

    Waxay caddeyeen inay diyaar u ihiin gaacan siin, iyadoo loo marayo UNSOM oo kaashaneysa AMISOM, Midowga Afrika (AU), Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah.

    Xubnaha Golaha Ammaanku waxay sheegeen inay tixgeliyeen wadahadalka Madaxweyne Farmaajo uu la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, Felix Tshisekedi ee ka dhacaay magaalada Kinshasa 19-kii Apriil. Waxay muujiyeen taageeradooda iyo dhiirigelinta dadaallada caalamiga ah ee uu gobolku horkacayo si ay gacan uga geystaan ​​sidii dhinacyada dib loogu soo celin lahaa miiska isla markaana loo fududeyn lahaa wadahadallada loo dhan yahay.

    Xubnaha Golaha Ammaanku waxay carrabka ku adkeeyeen in khilaafka taagan ee ku saabsan qaabka doorashada uusan kaliya halis ku ahayn horumarka dhibaatada laga soo maray horumarka, laakiin uu indhaha ka weecinayo dhibaatooyinka taagan sida daadadka, abaaraha, ayaxa, aafada COVID-19, iyo la-dagaalanka argagixisada.

    Golaha Ammaanku waxay xusay horumarka la taaban karo ee laga sameeyay tobankii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin amniga, dimuqraadiyadda, dib u habeynta siyaasadeed iyo horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan cafinta deynta.

    Doorashada Golaha Amniga Muddo kororsi Somalia UN UNSC UNSOM
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG cusub oo laga helay Lacagtii lagu qabtay Garoonka Muqdisho & Haweeneydii lahayd oo xiran
    Next Article Dacwadda dilkii Guddoomiyaha Hodon oo socota iyo Taliyihii Degmada Hodon oo xog culus bixiyey…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo