Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Golaha Amniga Q/Midoobay War kulul kasoo saaray weerarkii Alshabaab ee Ceelbaraf

    Golaha Amniga Q/Midoobay War kulul kasoo saaray weerarkii Alshabaab ee Ceelbaraf

    May 6, 2022Updated:May 7, 20222 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Midawga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay ku leeyihiin degmada Ceel-baraf oo ku taalla gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo ay ku dileen illaa 30 askari oo u dhashay dalka Burundi.

    Dalalka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku nafwaayey weerarkaas, gaar ahaan dawladda iyo shacabka dalka Burundi, waxayna u rajeeyeen caafimaad degdeg ah xubnaha uu dhaawacu soo gaadhay.

    Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin dadaalka ay wadaan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ATMIS ee ay ku doonayaan inay kaga hortagaan Khatarta ururka Alshabaab. Golaha Ammaanka ayaa si gaar ah u tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha illaa hadda laga gaadhay Soomaaliya iyo weliba kor u qaadista taageerada loo fidinayo Ciidamada Amniga ee Soomaaliya iyo ATMIS.

    Golaha Ammaanka ayaa qoraalkiisa ku caddeeyay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha, maalgeliyayaasha iyo kuwa lacagaha ku bixiya falalka argagixisanimada ah, lana horkeeno sharciga.

    Waxay ku booriyeen dhammaan Dowlad-goboleedyada, si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Golaha Ammaanka ee khuseeya, inay si firfircoon ula shaqeeyaan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khusayso arrintani.

    Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay “in xubnaha Golaha Ammaanku ay dib u xaqiijiyeen in argagixisanimadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkasta oo ay leedahayba inay khatar weyn ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.”

    Warsaxaafadeedka ay soo saareen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa intaas ku sii daray “Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa waxa ay markale ku celiyeen in dhammaan falalka argagixisanimadu ay yihiin dambiyo aan qiil loo raadin karin, iyada oo aan loo eegayn waxa ku kallifay, Meesha laga geystey, goorta la geystay iyo cidda geysatay.

    Xubnaha Golaha Ammaanku waxa ay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan dawladahu ay si kasta ula dagaallamaan, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadka kale ee hoos yimaadda sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadanimada” ayaa lagu yiri warsaxafaadeedka.

    Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa mar kale sheegay in ay ixtiraamayaan Madaxbanaanida siyaasadeed, dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

    Alshabaab Ceelbaraf Somalia UNSC
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleOlolaha Doorashada Farmaajo oo lagu furay ‘Halheys’ lala yaabay iyo jawaabo culus
    Next Article Dhaqaalihii Somaliya ka heli jirtay Hay’ada IMF oo Bishan istaagaya iyo Codsi degdega oo loo diray

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo