Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Golaha Amniga Qaranka oo Go’aano kasoo saaray Hubkii lagu boobay Galmudug (5 Qodob)

    Golaha Amniga Qaranka oo Go’aano kasoo saaray Hubkii lagu boobay Galmudug (5 Qodob)

    July 18, 20242 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Amniga Qaranka ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, kaasoo uu guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay, waxaana laga soo saaray go’aanno ku saabsan arrimaha Hubka.

    Kulanka ayaa looga hadlay dhacdadii Hubka Sharci darada ahaa ee sida dhumaaleysiga ah lagu soo geliyey deegaanno ka mid ah Dowlad Goboleedka Galmudug, kadibna maleeshiyada degaanka Caabudwaaq ay boobeen.

    Waxaa warbixinno looga dhageystay Hay’adaha Amniga iyo La-Taliyaha Amniga Qaranka oo soo bandhigay dhacdadan, wuxuuna Golahu Amniga Qaran soo saaray go’aamada soo socda:

    1. Goluhu wuxuu adkeeyay in Waaxda Kormeerka Hubka iyo Rasaasta (CMD) ee Xafiiska Amniga Qaranka oo horey ugu soo baxday (Digreeto Madaxweyne.142) ay sii waddo isla markaasna ay xoojiso korjoogteynta iyo la socodka maaraynta hubka iyo rasaasta.

    2. Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa la faray in ay soo gudbiso warbixin faahfaahsan iyo talooyin ku aaddan dhacdada hubka sharci darada ah ee dhuumaaleysiga lagu soo galiyey dalka, lagulana xisaabtamo cidda ka dambeysa, isla markaana laga hortago dhacdooyinka noocan ah inay dhacaan mustaqbalka.

    3. Goluhu wuxuu isku raacay dhammeystirka siyaasadda Qaran ee Iibka Hubka, degdegna loo horgeeyo Golaha Wasiirrada.

    4. Goluhu wuxuu sidoo kale isku raacay mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.

    5. Wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adaha fulinta sharciga waxaa lagu adkeeyey in si degdeg ah maxkamad loo soo taago dhammaan dadka ku lugta leh hawshan sharci-darrada ah.

    Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si adag loo hirgeliyo shuruucda Xakameynta Hubka iyo Rasaasta. Wuxuu adkeeyay in guusha laga gaaray qaadista cunaqabateynta hubka ay aasaas u tahay hirgelinta siyaasadda dowladda ee Xakameynta Hubka.

    Kulanka waxaa ka qeyb galay Ra’iisal Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre, R/wasaare Kuxigeenka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xassan Macalin Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Gashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Asluubta Janaraal Mahad Cabdiraxmaan, La-Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin iyo Agaasimaha Madaxtooyada JFS Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.

    Go'aanno Golaha amniga Qaranka Hub Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiir Fartaag oo Hal Arrin u xaqiijiyey Beesha Caabudwaaq iyo Qorshaha uu wato
    Next Article Xildhibaanada Dir oo hor-istaagay Shirkii Golaha Wasiirada iyo Xiisad hareysay xafiisyada Madaxda Dowladda

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo