Golaha degaanka magaalada Boosaaso ayaa doortay Gudoomiye cusub, kadib cod bixin ka dhacday xarunta Golaha degaankaee magaalada Boosaaso maanta.
Waxaa xilka duqa magaalada Boosaaso ku tartamay Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo shalay iska casilay wasiir kuxigeenkii hore maaliyada Puntland iyo Maxamed Faarax Xaaji Mire, waxayna labada musharaxba ahaayeen dhalinyaro aqoonyahan ah.
Waxaa doorashadii ku guuleystay Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo noqday Duqa degmada Boosaaso 5 Sano ee socota, isagoo helay 28 Cod, halka musharaxa Maxamed Faarax Xaaji Mire uu ka helay 3 Cod.
Xildhibaannada golaha deegaanka degmada Boosaaso ee wax dooranayay ayaa ka koobnaa 31 xubnood, waxaana ku jira lix xubnood oo haween ah.