Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa maanta ku dhawaaqay inay magacaabeen Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Qaranka.
Guddigan oo ka kooban 28 xubnood ayaan magacyadooda lasoo bandhigin, waxaana la sheegay in mushariixinta min 2 xubnood soo magacaabeen si guddigan loo sameeyo. Afhayeenka Musharixiinta Ridwaan Xersi aya shaaciyey in Guddigan uu ka shaqeyn dooni sidii doorasho xor iyo xalaal ah dalka looga qaban lahaa.
Gudiga ayaa shaqo bilaabi doona maalmaha soo socda, iyagoo la kulmi doona qeybaha Bulshada iyo maamul goboleedyada. Guddigan ayaa barbar socda Guddiya dowladda Federaalka ee doorashooyinka ee dowladda federaalka oo maanta yeeshay Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.
