Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland ayaa soo saaray go’aano ku saabsan arrimaha federaalka kadib dood dhowr maalmood qaadatay oo u socotay Baarlamaan goboleedkaasi, waxaana laga soo saaray go’aano uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland Saciid Xasan Shire waxaana ka mida:
1. In Dastuurka KMG ah ee dowladda Federaalka ku dhaqanto aanu ahayn Dastuurkii saxda ahaa, oo ay doonayaan Dastuur ay sheegeen inay lix mas’uul ku saxiixan yihiin.
2. Inaysan sharci ahayn dhamman guddiyada Qaran ee uu dhisay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qodobo kale.
Waa markii ugu horeysay ee Baarlamaan Goboleed isku dayo inuu burrinayo sharciyo uu soo saaray Baarlamaanka heer federaal oo qaran, tani oo caddeyn u ah sida xaaladu siyaasadeed u qasan tahay.
HOOS KA AKHRISO GO’AANADA BAARLAMAANKA PUNTLAND.
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]