Golaha Wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika oo ay Golaha u gudbisay wasaaradda Ganacsiga.
Heshiiskan ayaa la sheegay inay meel mariyeen dalal badan oo Afrikaan ah, waxaana dalalka saiixa laga rabaa inay meesha ka saaraan caqabadaha Ganacsiga si badeecadaha wadamadaas ay xuduudaha isaga gudbaan si xor ah.
Asaaska heshiiska AfCFTA ayaa salka ku heysa abuuridda hal suuq oo iskaga gudbaan badeecadaha iyo adeegyada ganacsi si xur ah, in la helo dhaqdhaqaaqa xurta ah ee ganasatada iyo maalgashadaayasha qaaradda dhexdeeda ah, in la balaariyo ganacsiga gudaha Afrika iyada oo loo maraayo iswaafajin wanaagsan iyo isu-duwidda xoreynta ganacsiga, Fududeynta ganacsiga iyo Kobcinta tartanka warshadaha iyo heerarka shirakadaha.

Kulanka xukuumadda sii heysa ayaa sidoo kale la sheegay in looga hadlay xaaladda Amniga dalka iyo xaaladda COVID-19, waxaana guddoomiyay sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.