Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in isjiidjiid siyaasadeed uu ka taagan yahay Golaha wasiirada Galmudug.
Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu telefoon kula hadlay qaar ka mida Golaha wasiiradiisa isagoo ka dalbaday inay shir yeeshaan ay ku taageerayaan go’aanka uu kula saftay isbaheysiga dalalka Imaaraadka iyo Sacuudiga.
Qaar ka mida Golaha Wasirada ee taabcsan madaxweyne Xaaf ayaa shir ku yeeshay magaalada Cadaado iyagoo fulinaya dalabka madaxweynaha, taasoo keentay in wasiiro kale ay taageeraan madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo guddoomiyaha Baarlamanka oo ka hor yimid go’aanka Xaaf.
Qaar ka mida golaha wasiirada Galmudug ayaa lagu wadaa inay soo saraan war ay ku taagerayaan madaxweyne Xaaf, halka wasiiro kale iyo madaxweyne ku xigeenka ay iyaguna dhinacooda wadaan qorshe ka dhan ah arrintan.
Galmudug ayaa u muuqata inay gashay qalalaase siyaasadeed oo salkiisu yahay taageerada Imaaraadka Carabta iyo dano dalal shisheeye, halkii laga sugayay inay dadka degaankaasi ku nool wax u qabtaan.