Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah u ah Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya inay socdaan dadaaladii ugu danbeeyay ee lagu doonayo in lagu dhameystiro dhismaha golaha wasiirada Galmudug oo la sheegay in lagu dhawaaaqay 48-ka saacadood ee soo socda.
Madaxweynaha Galmudug ayaa wada-tashigii ugu danbeeyay la leh koox ka socota Ahlu suna oo Cadaado u tagtay inay xilal ka helaan golaha wasiirada cusub, waxaana mashquul weyn ku jira saddexda mas’uul ee ugu sareysa maamulkaasi si loo xulo gole wasiiro oo la sheegay inay tiro badbnaan doonaan.
Waxaa la filayaa in golaha wasiirada Galmudug lagu soo daro xubno ka tiran Ahlu suna iyo musharixiintii u tartamay xilalka madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]