Kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Jubbaland oo uu guddoominayay madaxweynaha dib loo doortay ee muranka kataagan yahay doorashadiisa Axmed Maxamed Islaam ayaa laga soo saaray go’aan si toos ah ugu socday siyaasiyiinta ka jorjeeda Axmed Madoobe ee ku sugan Kismaayo.
Kulankan ayaa la sheegay uin looga hadlay xaaladda nabadgalyada, iyadoo lagu go’aamiyey in dhammaan shirarka iyo kulamo ruqsad la’aan ah aan lagu qaban karin Magaaalada Kismaayo laga bilaabo 20 bishan Sept, iyadooona la faray ciidanka ammaanka inay muujiyaan feejignaan buuxdaoo tallaabo ka qaadaan qofkii isku daya inuu shir ku qabto Kismaayo fasax la’aan.
Arrintan ayaa saameyn ku yeelaneysa siyaasiyiinta ku sugan magaalada Kismaayo oo laba ka mida ay madaxweyne sheegteen, waxayna ka dambeysay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu shaaciyey in dowladda federaalka ay dagaal ka abaabuleyso magaalada Kismaayo.
Dadka Kismayo ku sugan ayaa aaminsan in Axmed Madoobe uu tallaabo milateri qorsheystay inuu ku maquuniyo siyaasiyiinta hubeysan ee kula sugan Kismaayo.