Shirkii Golaha Wasiirada ee Jubbaland oo waqtigoodu dhammaaday ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoo uu guddoomiyey Madaxweynaha dib loo doortay Axmed Maxamed Islaam, waxaana looga hadlay xaaladda Jubbaland iyo caleemo-saarka dib u dhaca ku yimid ee Axmed Madoobe.
Golaha wasiirada Jubbaland ayaa qodobadii uu ka dooday waxay la mid ahaayeen qodobadii Khamiistii hore, waxaana ugu danbeyn lagu soo qaaday Dib u dhaca ku yimid Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland oo ay sheegeen inuu waqti kooban kadib qabsoomayo, isla markana ay Magaalada Kismaayo soo gaari doonaan Marti sharafta kala duwan ee lagu marti qaaday munaasabadan, iyadoo aan loo qaban xilli cusub oo uu dhacayo Caleemo-saarka.
Dhinaca kale Golaha Wasiirka Jubbaland ayaa mar kale sheegay in afduubka Magaalada Muqdisho loogu haysto Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur.