Shirkii Golaha Wasiirada Xukumadda federaalka Soomaaliya ee Khamiislaha ahaa ayaa ku anxisiyey sharci lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.
Guddigan oo ay ahayd in waqti hore la dhiso ayaa sharcigiisa waxaa soo diyaarisay wasaradda Cadaaladda ee xukumada Soomaaliya, iyadoo xilliga xukuumadda uu gabagabo yahay.
Waxaa kaloo shirka Golaha Wasiirada ee maanta oo uu guddoominayay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte lagu meel mariyay in safiir loo magacaabo wasiir kii hore ee wasaarada boostadda iyo isgaariinta mudane Guleed Xuseen Qaasim.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhinaca kale ayaa walaac ka muujisay go’aanka dowladda Kenya ay ku gaartay inay xerto xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakumo oo ay ku jiraan kumaan qaxooti Soomaali u badan.
Wadani.com