Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo shirkoodii Khamiislaha ahaa maanta yeeshay ayaa looga dooday Miisaaniyadda 2016 ee dowladda Soomaaliya. Shirka waxaa guddoominayay Ra’iisal wasaaraha Cumar C/Rashiid, waxaana ka qeyb galay wasiirada ku sugan dalka.
Dood ku saabsan Miisaaniyadda oo aan wax badan laga oran ayay iska ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, waxaana la filayaa in la hor geeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inta aanu dhammaan kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka oo dhowaan furmay.
Golaha Wasiirada maanta ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2016 ayaa wax mushaar ah qaadan muddo 5 bilood ah, wuxuuna ka mida wasiirada sheegay inay mar waliba ansixiyaan wax waliba oo golaha la hor keeno iyadoo aanu jirin wax isbedel ah.
Hore ayay wasaaradda Maaliyadda u balanqaaday inay bil waliba si joogto ah u bixin doonto mushaarka markii la dhimay mushaarka iyo kharashaadka dowladda waxayna markaas ku dooday inay isku tashaneyso, kuna xisaabtameyso dakhliga gudaha, ilaa markaasina ma jirin wax isbedelay, inkastoo Baarlamaanku ansixiyay wax ka bedelka miisaaniyadii hore ee 2014.
Wadani.com