Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankii toddobadlaha ahaa ee ay maanta ku yeesheen Muqdisho ku ansixiyey inay Soomaaliya ku biirto Axdi u yaalla Qaramada Midoobay.
Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisal wasaare Kheyre ayay dowladda Somalia ku oggolaatay inay kamid noqoto Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Aadan Isxaaq, ayaa sidoo kale sheegay in shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre lagu ansixiyay istaraatiijiyadda wacyi gelinta Qaranka iyo tubta amniga iyo caddaaladda loogana dooday qorsha cusub ee amniga, sharciga taya-dhawrka, hab-raaca heshiisyada iyo hantida ma guurtada ah ee dawladda.
Xukuummadda federaalka Soomaaliya oo ku dadaalaysa in qof kasta oo Soomaali ah uu helo xuquuqda uu xaqa u leeyahay ayaa qorshaynaysa in ay qayb ka noqoto dadaallada loogu jiro in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay helaan xuquuqdooda.
Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah, ayaa lagu ansixiyay xarunta qaramada midoobay ee New York December 13, 2006, waxaana dalalkii ugu horeeyay ay saxiixeen March 30, 2007.