Shir aan caadi ahayn ayey maanta yeesheen Golaha Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo looga hadlay arrimaha deyn cafinta oo dowladda Norway ay ka bixineyso Soomaaliya.
Kulanka oo uu shir guddoomiyey Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayey Golaha Wasiirada ku ansixiyeen heshiiska ay dowladda Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya; iyadoo bixineysa lacag gaareysa $353 Milyan oo ah Deynta Bankiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya.
Sidoo kale Dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay ku qanceen dib-u-habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hay’adaheeda maaliyadeed saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Hay’adda lacagta adduunka, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ee ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan in deynta laga cafiyay Soomaaliya oo in muddo ah soo socotay.
Dowladda Norway iayaa bishii Oktoobar 2019 ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka bixineyso lacag dhan 353 milyan oo Doolar oo Bankiga Adduunka ku leeyahay Somaaliya, iyadoo markaas kadib ay u suurageli doonto Soomaaliya inay deyn ka qaadato sanduuqa Horumarinta Bankiga Adduunka.
HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA KAALMADA DOWLADDA NORWAY