Golaha Wasiirada xukuumadda Xilgaarsiinta ayaa xilli habeen ah shir yeeshay caawa iyadoo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Shirkan ayaa lagu cambaareeyay isku daygii Afgambi ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xarunta Golaha Wasiirradda ee uu ku kacay Maxamed C/llaahi Farmaajo, laguna taageeray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan doorashooyinka.
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ka mahad celiyay taageerada Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka ee Xukuumadda iyo hoggaaminta Ra’iisul Wasaaraha ee arrimaha doorashooyinka.
Waxaa la isku raacay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kuwii ku lugta lahaa duullaankii lagu qaaday hey’adaha dastuuriga ee dalka, isagoo Ra’iisul Wasaaruhu uu soo magacaabi dooni guddi ka kooban 5 xubnood oo baaris dhameystiran ku sameeya sidii ay wax u dhaceen.
Gollaha Wasiirada waxa kale uu ansixiyay Xisaab Xirka miisaaniyadda dowladda ee 2020kii. Waxa kale la ayiday qorshaha sugidda amniga caasimadda oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Amniga Gudaha kaas oo faraya in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida.
Waxa shirka Gollaha Wasiirada looga mahad celiyay taageerada Xukuumadda ee Beesha Caalamka iyo hogaaminta Ra’iisul Wasaaruha ee doorashooyinkia iyo Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku dhawaaqay.


