Golaha Wasiirrada xukuumadda fedraalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ee maanta ku meel mariyey Hindise Sharciyeedyadii ugu fara badnaa ee hal fadhi lagu meel mariyo.
Kulank waxaa shir guddoominayey Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre waxaana lagu ansixiyey 13 hindise sharciyeedyo iyo siyaasado Qaran, waxaa kaloo ku jiray heshiis lala galay shirkad, waxaana loo gudbin doonaa Baarlamaanka Federaalka labadiisa Aqal si ay uga doodaan una ansixiyeen.
Sharciyada iyo siyaasadaha Qaran ee maanta ay meel mariyeen Golaha Wasiirda waxay kaal yihiin:
1- Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda
2- Hindise Sharciyeedka Socdaalka
3- Xeerka lahaanshiyaha xuquuqda Daabacaadda
4- Siyaasadda waxbarashada dalka
5- Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska.
6- Sharciga abuurka iyo Noocyada Dhirta
7- Sharciga Badbaadinta Dhir-beereedka
8- Siyaasadda Qaran ee Bacrimiyeyaasha
9- Siyaasadda Qaran ee dulin-dilayaasha
10- Sharciga Hay’adaha Adeegyada baaritaanka Beeraha
11- Sharciga xakameynta kiimikooyinka beeraha
12- Hindise Sharciyeedka Filimada
13- Heshiis is-af-garad ah oo dhex maray wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo shirkadda SAT Service LLC ee dhistay hotelka garoonka diyaaradaha Muqdisho
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hore Baarlamaanka ugu gudbiyey hindise sharciyeedyo ku dhow 30 oo qaarkood ahaa sharciyo wax ka bedel lagu sameeyay, waxayna qaar ka mida xildhibaannada ku macneeyeen inay tahay mashquulinta Golayaasha Baarlamaanka.