Wararka laga helayo magaalad Muqdisho ayaa sheegaya in shir degdeg maanta la isugu yeeray golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.
Shirkan oo si degdeg loo qabanqaabiyey saaka ayaa wararku sheegayaan in Xafiiska Ra’iisal wasaaraha looga yeeray xubnaha Golaha Wasiirada oo la filayo in la hor keeno miisaaniyadda 2019 si ay u ansixiyaan, iyadoo xukuumaddu dooneyso inay degdeg ugu gudbiso Baarlamaanka.
Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shalay baraha bulshada la wadaagay sawirro uu ku sheegay inuu diyaarinayo miisaaniyadda dalka ee 2019, iyadoo ay la fadhiyeen gacan-yareyaashiisa, halka madaxda wasaaradda Maaliyadda ay wasiir Beyle sheegeen inuusan wax xiriir ah la lahayn agaasimeyaasha wasaaradda.
Xukuumadda ayaa sharciyo ku mashquulisay xildhibannada Baarlamaanka, iyadoo miisaaniyadda ay noqon doonto culeys kale oo la saarayo xildhibannada Baarlamaanka si aysan fursad ugu helin mooshin diyaarin.