Golaha wasiirada maamulka Puntland oo maanta shir ku yeeshay magaalada Garowe ayaa ku shaaciyeyin duullaan lagu soo qaaday Puntland, isla markaana caburin lagu hayo shacabka Magaalada Laascaanood.
War-saxaafadeed ka soo baxay shirka oo uu guddoomiyey madaxweyne C/weli Gaas ayaa lagu sheegay in maamulka Hargeysa uu duullaan gardarro ah ku hayo degaanada Puntland, waxaana dadweynaha Puntland loogu baaqay inay is garab taagan dowladooda iyo ciidamadooda u diyaarsan difaaca.
Dhinaca kale shirka Golaha wasiirada Puntland ayaa lagu dalbaday dhismaha Hannaan Caddaaladeed oo heer Federaal ah.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA