Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Golaha Wasiirada Somaliya oo mamnuucay Lacago Dekadda Muqdisho lagu qaadi jiray (Akhriso)

    Golaha Wasiirada Somaliya oo mamnuucay Lacago Dekadda Muqdisho lagu qaadi jiray (Akhriso)

    August 22, 2024Updated:August 22, 20243 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa soo saaray Qaraar lagu Mamnuucay in lacago lagu qaadi kiray dekadda Muqdisho iyo Dakhli Dawladeed in lagu shubo ama lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA)

    Golaha Wasiirradu Wuxuu Meelmariyay Qodobadda soo socda:

    Qodobka 1-aad
    Joojinta in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu maareeyo Koonto Bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA)

    1. Sida ku cad Qodobka 2(1)(r) iyo Qodobka 4-aad ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dhammaan dakhliga Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu shubaa, laguna maamulaa Khasnadda Mideysan oo keliya (TSA).

    2. Si waafaqsan Qodobka 4(2) iyo Qodobka 42(4), waxaa mamnuuc ah in dakhliga Dawladda lagu qabto ama lagu hayo koonto bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA)

    4. Qararkan waxaa lagu baabi’iyay dhammaan heshiisyada hoos ku xusan:

    (b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo ay horay loo galay.
    (t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay.
    (j) Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose.

    Qodobo Qubane ah

    1. Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho waa in la dhimo qiimaha adeegga konton boqolkiiba (50%) iyadoo khidmadda kasoo xaroota lagu qabanayo Khasnadda Midaysan.
    2. Ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecaddaha kala soo daga furdooyinka Soomaaliya waxaa la farayaa inay shahaadada caddaynta tayada baddecadda ay kala yimaadan shirkadda Veritas ee Dawladda Soomaaliya ugu xilsaaran hubinta tayada badeecadaha.
    3. Waxaa la joojiyay lacagaha howl fududeynta ah ee aan sharciga ku saleysneyn ee ganacsatada looga qaado Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha.

    4. Dhammaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Shirkadda Alport Mogadishu, kuwa Furdada, Ciidanka Ilaalada Canshuuraha iyo hay’addaha kale ee amniga ma samayn karaan xannibaad ama daahis ay ka dhalan karto kharash ku siyaada badeecadda Dekadda.

    5. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inay dejisaa qorshe lagu fududeynayo adeegayada laga bixiyo Dekedda Muqdishu.

    6. Dhammaan shirkadaha dillaalayda furdooyinka iyo wakiiladda maraakibta (customs brokers & shipping lines) waxaa ka mamnuuc ah inay ku dallacaan ganacsatada lacagaha fududeynta ah oo lagu bixiyay si sharci daro ah.

    7. Waxaa la joojiyay lacagaha laga qaado gaadiidka xammuulka ah ee ka baxa baraha koontaroolada ah ee magaalada Muqdisho sida Afgooye iyo Balcad.

    8. Waxaa la yareeyay khidmadda Kaarka Ogolaanshaha Gelista Dekadda (Port Access Permit), waxaana laga dhigay $40 doolar oo kaliya, iyadoo meesha laga saaray qaadista lacag dhan $110 doolar.

    9. Waxaa meesha lag saaray kharash kasta oo ku bixi jiray howlaha loogu yeeray Kontaynar-jabinta. Cid kasta oo ku lug yeelata qaadista khidmadaan la mamnuucay waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin sharciga waafaqsan.

    Canshuur Golaha wasiirada Somalia xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQarax Is-miidaamin ah oo lagu qaaday Saldhigga Ciidamada NISA ee Garas baalley iyo Faahfaahin
    Next Article Shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai oo u hoggaansamay Amarkii Dowladda Somaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo