Golaha Wasiirrada Xukuumadda xilka sii heysa ayaa ansixiyay Xubnaha Guddiga Farsamada ka talo bixinta Hannaanka Doorashada dalka oo lag heshiiyey SHirkii Dhuusamareeb 2.
Guddigan oo ay hore maamul Goboleedyada min 2 xubnood soo magacaabeen ayaa lagu daray 2 xubnood oo ka socda Gobolka Banadir oo dheeraad ku ah, waxaana xafiisyada iyo Madaxtooyada iyo Ku-simaha Ra’iisal wasaaraha soo magacaabeen min 2 xubnood.
Xubnaha guddiga ayaa hadda ka kooban 16 xuboon oo lix kamid ah ay ka imaanayaan dowladda federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir iyo 10 xubnood oo dowlad gobaleedhada min laba uga imaanaya.
Waxaa weli lasoo magacaabin xubnihii ka ocday maamulka Galmudug oo la sheegay inuu si degdeg u soo magacaabayo madaxweynaha maamulkaasi.
