Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray dayactirka ka socda xarunta Xisbiga oo hadda kadib noqon doona Xarunta Xukuumadda Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare oo ay wehliso wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa howl-wadeennada ka shaqeynaya dib u dhiska xarunta Xisbiga ka wareystay hannaanka ay u wadaan dhismaha, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo dhammeeyaan, si ay xukuumadda ugu soo guurto, kuna shaqo bilowdo.
Xaruntii Xisbiga ayaa noqon doonta Guriga xukuumadda iyo fadhiga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ay xukuumaddu ku shaqeyn doonto.
Wuxuu kaloo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kormeer ku tegay Garoonka ciyaaraha Stadio Muqdisho oo ka mida xarumaha dib loo dayac tiray.
DAAWO SAWIRRO


XARUNTII HORE EE XISBIGA OO NOQONEYSA FADHIGA XUKUUMADDA SOOMAALIYA

