Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo shirkoodii caadiga ahaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa qodobo dhowr ah ka hadlay, waxaana shirka guddoominayay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Wasiirka Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa golaha Wasiirada u soo bandhigtay, sharaxaad dheerna ka bixisay qorshaha Qaab Siyaasadeedka Caafimaadka iyo Daawada, waxayna xustay in ujeedada qorshahani uu yahay in la illaaliyo, lana horumariyo caafimaadka qofka iyo kan bulshada.
Sidoo kale, Marwo Xaawo Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay in Siyaasada Daawadu ay tahay in la sameeyo, lana horumariyo adeegga qeybta Daawooyinka, iyada oo la isticmaalayo awooda dhaqaale iyo mida shaqaale ee la heysto, si loo haqabtiro baahida dadweynaha ee ka hortagga, baarista iyo daweynta Cudurada. Ugu dambeyntiina, golaha Wasiirada ayaa cod gacantaag ah ku meel mariyay Siyaasada Caafimaadka iyo Daawada.
Sidoo kale, Golaha Wasiiradu waxa ay ka hadleen qodobadii ka soo baxay wadahadaladii xallinta Mooshinka ee ka dhanka ahaa madaxweynaha, iyaga oo soo dhoweeyey. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa faray xubnaha golaha Wasiirada inay si dhaqso leh ugu howlgalaan, fuliyaana waajibka Wasaarad kasta uga aadan fulinta Qodobadii ka soo baxay Wadahadalka Xalinta Mooshinka.
Daawo Sawirada:
Wadani.com