Wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in kulankii Golaha Wasiirada ee maanta lagu ansixiyey magacaabidda saddex safiir oo cusub.
Safiirada la magacaabay ayaa kala ah: Maxamuud Axmed Tarsan oo ahaa la-taliyihi gaarka ahaa ee madaxweynaha, C/risaaq Shoole oo ahaa agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya iyo nin lagu magacaabo C/llaahi Maxamed Odawaa.
Waxaa la sheegay inuu safiirada magacaabay Madaxweynaha, markii uu soo jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, laakiin lama sheegin dalalka loo magacaabay ee ay wakiilka uga noqon doonaan Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in saddexda dal ee safiiradan loo magacaabay ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Qatar. 12 Safaaradood oo Soomaaliyeed ayaa safir la’aan ah muddo dheer iyadoo ay ugu danbeysay safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga.