Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada Xukuummada Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo uu shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Shirka ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hey’adaha dadka naafada ah oo ay golaha hor-keentay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka, wuxuuna Ra’iisal wasaaraha Golaha uga warbixiyay safarradii uu ku tegay dalalka Norway iyo Rwanda, waxuuna sheegay in natiijooyin wanaagsan ay kasoo bexeen kulamo uu la yeeshay madaxda dalalkaas iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Aadan Isxaaq, oo ka warbixiyay qodobadii looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ayaa sheegay in sharciga hey’adaha dadka naafada ah ee golahu ansixiyay uu caddeynnayo xuquuqda ay leeyihiin iyo daryeelka ay u baahanyihiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Gololaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhagaystay Wasiiru Dawlaha amniga gudaha iyo wasiirka gaashaandhigga dalka oo ka hadlay amniga guud ee dalka, horumarrada la gaaray iyo qorshayaasha cusub ee hanashada amaanka dalka.
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska, Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa golaha wasiirrada warbixin ka siiyay sida howsha u wadaan guddiga uu madaxda uu u yahay ee loo xil saaray Xuska sanad-guurada 58-aad ee Todobaadka Xorriyadda.
Ugu danbeyn golaha wasiirrada ayaa ansixiyay xisaab xirka miisaaniyadeed ee sanadka 2017 oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Xukuummada Federaalka Soomaaliya.