Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa dib u soo nooleeyay qorshe muddooyinkan hakaday oo ku saabsan inay shirarkooda ku qabtaan xarumaha maamullada dalka.
Qorshahan oo uu fekerkiisa lahaa madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madobe ayaa lagu bilaabay magaalada Kismaayo bartamihii Bishii July, kadibna waxaa dhacay arrimo siyaasadeed oo suuragal ka dhigi waayay inay qabsoomaan shirarkaasi..
Kulanka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco Magaalada Baydhaba toddobaadka danbe magaalada Baydhaba ee xarunta KMG Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Waxaa hakaday qorshe maanta lagu doonayay inay xubnaha golaha wasiirada ku tagaan magaalada Baydhaba iyadoo toddobaadka dambe dib loogu dhigay, waxaana markii hore qorshaha ku jiray magaalada Jowhar oo isbedel ka dhacay.
Socdaal kale oo madaxweyne Farmaajo ku doonayay inuu ku tago maamulka Puntland ayaa u baaqday xiisado siyaasadeed iyo baarlamaanka Puntland oo kalsoonidii kala laabtay xukuumadii hore.