Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee Khamiislaha ayaa maanta mar kale ka dhacay magaalada MUqdisho.Shirkan oo ahaa kii labaad oo xiriir ah oo Golaha wasiirada ay yeeshaan ayaa ahaa shirkii toddobaadlaha ee caadiga ahaa, waxaana looga hadlay Qodobo dhowr ah iyadoo lagu ansixiyay sharci iyo heshiis.
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in shirkii maanta lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Batrooka iyo Heshiiska Isu-celinta Maxaabiista ee India iyo Soomaaliya.
Golaha Wasiirada ayaa wajahaya xaalad ka dhalatay go’aankii uu shalay kasoo saaray kiiska C/kariin Qalbi dhagax oo dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiya.