Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»GOORMAAN TURKI NOQONAY.?! [Fal-celintii Soomaalida ee Afgembiga Turkiga]

    GOORMAAN TURKI NOQONAY.?! [Fal-celintii Soomaalida ee Afgembiga Turkiga]

    July 17, 2016Updated:July 17, 20162 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    GOORMAAN TURKI NOQONAY.?! Fal-celintii Soomaalida
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dhacdadii Afgembiga fashilmay ee Turkiga waxay mar kale soo shaac bixisay dabeecadda dadka Soomaaliyeed

    ee ku dhisan caadifadda iyo qar iska tuurnimada aan lahayn miisaanka diblomaasiyadeed iyo garashada awoodooda.

    Madaxweynihii ugu sareeyay dalka wuxuu cambaareyn soo saaray tiiyo aan madow iyo cad la kala garan weliba uu socdo Afgembiga.. Bal ka warrama haddii uu dhici lahaa inqilaabka oo suurageli lahaa?… Halkee dowladeena ilko la’aanta soo istaagi lahayd?.

    Culimadeenii qaarkood waxayba si cad ugu baaqeen in dhiiga loo hurayo dowladda Turkiga?!!!  Tolow Madaxweyne Ordogan miyaan u dagaalameynaa shaqsiyadiisa oo noqday DIIN?!!, Goormuu Ordogan noqday lama taabtaan dhiig loo daadiyo?.

    Madaxdii  dalka, wasiiradii iyo taliyeyaashii ciidamada waxay isku shubeen safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho iyagoo muujinaya taageero iyo is-garab taag.

    Maamulkii Muqdisho wuxuu ku baaqay bannaanbax dadkii degmooyinka qaarkood la isu soo bixiyay intii aanay bannaanbaxyadu ka dhicin Istanbul iyo magaalooyinka Turkiga oo habeenkii xalay ahaa isu soo baxay!.

    Dadka Soomaalida waxay buux dhaafiyeen baraha bulshada iyagoo aad moodo inay Turkiyiinta ka wadanisan yihiin, cid waliba calankii Turkiga ayay xiratay, qof kastana waaba Ordogan….!!

    Waxay isoo  xusuusisay aakhirkii 1990-kii markii dowladii Siyaad Barre ay sii liiceysay oo xaaladii ugu adkeyd ay ku jirtay dowladnimada Soomaalida, Soomaali fara badan ayaa saf ugu jiray Safaaradii Ciraaq ee Muqdisho oo doonaya in loo qaado dalka Ciraaq si ay uga difaacaan Mareykanka iyo xulafo kale oo doonayay inay Kuweyt ka xoreeyaan Sadaam Xuseen….!!!

    Inaad aqoonsan weydo tabartaada, tixgelin weydo duruuftaada, iska ilowdo waaqica aad la nooshahay, waxay ka mid tahay axmaqnimo heerkii ugu sareeyay, waxaase ka sii daran inaan isla qumanahay oo isu heysano dad xaq ku taagan…. TIISA DARYEELAA TU KALE KU DARA..

    Caadifadda intaas la eg maxaan dalkeena ugu dhisan weynay..?, Dadnimadan iyo wadaniyadan aan Turki isu bedelnay maxaan Soomaalinimo ugu muujin weynay oon wax uga baran weynay dadka tashaday ee aan iska meteleyno, Maxaan kaliya ugu fiicanahay inaan afka  ka hadalno, isla qab weynaano duni aan qarniyaala ka harnay isku nabnabno, anagoo weliba hoos madow oo dal iyo dad aanay gacan noogu jirin…? Talow goormee khiyaaligan ka baxeynaa oo is aqoonsaneynaa?.

    Jawaab celinta Soomaalida dowlad iyo shacab ee Inqilaabkii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay wuxuu mar kale muujinayaa riyo maalmeedka aan ku jirno, mase aha ceeb  inaan taageerto si miyir ku jiro cidii abaal kuu gashay ama aad saaxiibo tihiin sida Turkiga iyo hogaankooda hadda xilka haya.

    W/Q: Shariif Moalim

    GOORMAAN TURKI NOQONAY?! Ordogan Soomaalida iyo Turkiga Top Turkiga W/Q: Shariif Moalim
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiiro ka tirsan Galmudug oo ku geeriyooday Shil ka dhacay Gobolka Mudug
    Next Article DAAWO: Maraakiib Dagaal oo dowladda Soomaaliya loogu sameynayo Yurub

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo