War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Guddi Baarlamaanka kala qeybsan ee Galmudug ka tirsan ay ku dhawaaqeeen xilliga la qabanayo doorashada madaxweynaha maamulkaasi.
Guddigan ayaa shaaciyay in 19-ka bishan la dooran doono madaxweyne cusub oo maamulka Galmudug yeesho, iyadoo loogu baaqay musharixiinta inay soo gudbiyaan codsiyadooda.
Arrintan ayaa soo baxay iyadoo ay xiisad ka taagan tahay magaalada Cadaado oo shalay dib looga soo celiyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo diyaarad uu saarnaa Muqdisho lagu soo celiyay.
Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan maamulka Galmudug oo qaar ka mida xildhibaanada maamulkaasi ay xilka ka qaadeen madaxweyne C/kariin Guuleed, arrintaas oo uu ku gacan seyray Guuleed.
Wadani.com