Guddi maamulka Galmudug u saaray baaritaanka dhacdadii 14-kii Bishan November ka dhacday magaalada Cadaado ayaa difaacday taliyaha NISA Gen. C/llaahi Gaafow Maxamuud.
Guddigan oo uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in rasaastii ka dhacday xarunta doorashada uu bilaabay mid ka mida ilaalada wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Maxamed Maxamud Guure.
Qoraalka Guddiga oo uu ku saxiixnaa guddoomiye ku xigeenka Guddiga ayaa lagu sheegay in Taliyaha NISA aanu wax lug ah ku lahayn dhacdada sida lagu baahiyay baraha Bulsahada, isla markaana aanu ka dhoweyn goobta.
AKHRI QORAALKA