Guddi uu Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta u magacaabay baarista askarta ku maqan dalka Eritrea ayaa lagu dhaliilay inaan loo baahneyn iyo magacaabidda Guddi qeyb ka mida eedeysan tahay.
Waalidiinta ay Wiilashoodu ka maqan yihiin ayaa sheegay inaysan u baahneyn Guddi ay xukuumad magacawdo iyo baaritaan cusub ee ay doonayaan in wiilashooda loo soo celiyo, waxayna RW Rooble ka dalbadeen in cidda mas’uulka ka ahayd arrintan oo la wada yaqaano uu wajaho.
Dhinaca kale War-saxaafadeed ay soo saareen Midowga Musharixiinta ayaa lagu sheegay in Guddiga ay qeyb ka yihiin wasiiro iyo saraakiil ka tirsan xukuumad eedeeysan, inkastoo tallaabada Rooble lagu soo dhoweeyay.
“Golaha wuxuu ugu baaqayaa Mudane Rooble in si ummadda Soomaaliyeed ay ugu kalsonaadaan gudigaan uu dib u soo magacaabo xubno dhexdhexaad ah oo aan dowladda ka tirsaneeyn sida ururada bulshada rayidka iyo madaxda axsaabta Soomaaliyeed qaarkood oo aan marnaba shaki ka imaan karin madaxbanaanidooda iyo go’aanka ay ka soo saaraan hawl qarameedka loo igmaday,” ayaa lagu yiri Qoraalka Midowga Musharixiinta.
Askarta ku maqan dalka Eritrea ayaa waxaa qorshahooda mas’uul ka ahaa madaxweynaha xilligiisud dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo uu fuliyey Taliska NISA ee uu hoggaamiyo Fahad Yaasiin.
