Guddiga Badbaadada Doorashooyinka ee ay dhiseen Musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa shirkii ugu horeeyay maanta yeeshay.
Guddigan oo ka kooban 28 xubnood ayaa waxaa kad hex muuqday wasiro hore, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsanaa dhalinyaradda caasimadda, waxayna kulankoodii koowaad ee maanta, iyagoo iska dhex doortay guddoomiye, ku xigeen, Xoghaye iyo Afhayeenk, waxayna kala yihiin:
1- Gudoomiyaha gufdiga Yuusuf Xasan Mursal
2- Guddoomiye ku-xigeenka Cabdullaahi Maxamed Aadan
3- Iyo Xoghaye Cabdifataax Maxamed Dhicis
4- Afhayeen Cabdullaahi Cabdi Maxamed
Guddigan ayaa barbar socda Guddiga dowladda Federaalka magacawday ee Doorashooyinka, iydoo aan weli xal loo helin muranka ka taagan guddiyadaasi, kadib markii dowladda Federaalka ku adkeysatay arrintan.


