Guddiga Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray u caddeeyay in Dastuurka KMG ah ee dowladda Soomaaliya ku shaqeyso uu yahay midka saxda ah ee lagu soo dhisay hay’adaha dowladda.
Guddiga ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Dastuurkii saxda ahaa la xaday, sida uu ku dooday guddoomiye ku xigeenka koowad ee Baarlamaanka C/weli Muudey, iyagoo sheegay in Dastuurkan hadda lagu shaqeeyo uu yahay midkii saxda ahaa ee ay ansixiyeen ergada Soomaalida Bishii Agoosto 1, 2012.
HOOS KA AKHRSO WAR-SAXAAFADEEDKA GUDDIGA