Guddiga Doorashada Galmudug ee uu Ahlu suna ayaa shaaciyey Habraaca lagu soo xuli doono xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug.
Guddiga uu magacaabay Sheekh Maxamed Shaakir ayaa qoraal ay soo saareen ku caddeeyay in odayaasha Dhaqanka Galmudug ay soo xuli doonaan 54 xubnood oo ka mida 89-ka xildhibaan ee Galmudug, iyadoo Ahlusunna la siiyey inay soo xusho, soona magacawdo 35 xildhibaan, wuxuuna Guddigani sheegay in soo xulista xildhibaannada lagu saleysan doono Baarlamaankii hore ee Galmudug.
