Guddiga Doorashada Dadban ee Soomaaliya ayaa dacwad ku soo oogay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii Cali C/llaahi Cosoble faragelin ku sameeyay arrimaah doorashada, isagoo ku dhaqaaqay tallaabooyin uu ku bedelay ergooyin beeleed isla markaana musharixiinta qaarkood uu ka horjoogsaday inay tartamaan halka qaar kale uu taageero siiyay.
Cali C/llaahi Cosoble ayaa la sheegay inuu farageliyay kuraas ay leeyihiin beelaha: Xawaadle, Baadicade, Gaaljecel, haddana uu sii wado inuu saameyn ku yeesho kuraasta harsan, taasoo keenay inay isku dhacaan guddoomiyaha Guddiga Doorashada iyo madaxweynaha Hirshabeelle.
Guddiga ayaa ku hanjabay in la hakin doono doorashada Aqalka hoose ee ka socota magaalada Jowhar, waxaana hadda socda waanwaan ku saabsan in lagu qanciyo madaxweynaha Hirshabeelle sidii uu faraha ugala bixi lahaa arrimaha Doorashada.
Wadani.com