Guddiga Doorashada Dadban ee heer Federaal ayaa xisaab ka furtay mid ka mida Bankiyada Soomaalida ee gaarka loo leeyahay si loogu shubo lacagaha musharixiinta.
Guddiga ayaa shaaciyay Xisaabta (Account) ay ka fureen Bankiga Dahabshiil, waxaana musharixiinta ay u kala lacag badan yihiin sida soo socota;
- Mushraxa xildhibaan Aqalka sare waxaa laga rabaa inuu bixiyo $10,000 ayaa is-diiiwaan gelin ah.
- Haweenka isku sharxaya Aqalka sare waxaa laga rabaa $5,000.
- Musharaxa Xildhibaan ee Aqalka Hoose waxaa laga rabaa $5,000.
- Haweenka isu sharxaya Aqalka hoose waxay bixinayaan $2,500.
Account Holders Name: GUDDIGA FEDERAL KA HIRGELINTA DOORASHOOYINKA DADBAN (GFHDD)
Account Number: 104104638
Currency: USD
Bank Name: Dahabshil Bank International
Bank Headquarters Address: Maka Almukarama, Hoden, Mogadishu
Swift code: DBISDJJ2
GOOBJOOGE.COM