Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Guddiga Doorashada Dadban oo soo saaray war-saxaafadeed lama filaan ah [AKHRISO]

    Guddiga Doorashada Dadban oo soo saaray war-saxaafadeed lama filaan ah [AKHRISO]

    September 22, 20163 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga Doorashada Dadban ee heer federaalka ah ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in doorashada 2016 aanay ku dhici karin xiligii loo qoondeeyay. Waxayna sheegeen in arrintaasi looga hadlayo shirar madasha Qaran iyo guddiga ku yeelanayaan Muqdisho.

    Guddiga ayaa sheegay inaysan howsha Doorashada ee loo xil saaray ku socon karin sida uu dhigayo jadwalka shaqada ee doorashada 2016 hore loogu dejiyay, oo aysan awoodin in shaqadaasi lagu dhammeeyo xiligiii loogu talogalay.

    Guddiga-DoorashadaGuddiga Doorashada  wuxuu qoraalkiisa ku xusay caqabadaha ka hor yimid oo ay ka mid yihiin:

    • Caqabado Siyaasadeed
    • Caqabado Amni,
    • Caqabado la xiriirta hannaanka maamulidda miisaaniyadda 2016-ka
    • Caqabad ku saabsan Madax dhaqameedyada oo aan weli soo dhameystirin ergooyinkii laga rabay iyo caqabado kale.
    • AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    Muddo 47 sano ka dib, Soomaliya waxay u dhaqaaqday inay qabsato doorashooyin 2016 ka. Doorashadan dadban waxay ka duwan tahay dhammaan hannaankii hore ee soo xulidda wakiillada dadweynaha ee hay’adihii hoggaaminta ee dalka horey uga dhacay.

    Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), asagoo ka amba qaadaya arrintaas, wuxuu u xaqiijinayaa dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada beesha caalamka in hirgelinta qorshaha geeddi socodka doorashooyinka 2016 ka uu marayo heer wanaagsan.

    Guddigu wuxuu sameeynayaa dadaal kasta oo lagu hubinayo in hannaanka geeddi socodka doorashooyinka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay ku qabsoomaan waqtigii loogu tala galay. Sidoo kale, GFHDD wuxuu xoogga saarayaa in doorashooyinka 2016 ka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay noqdaan doorashooyin daah furan oo lagu kalsoonaan karo.

    Waxaa wacyigelin la siiyay Madax-dhaqameedyada oo lagu tababaray doorkooda iyo masuuliyadahooda la xiriira soo xulidda ergooyinka iyo asteeynta kuraasta ay u tartamayaan haweenka ee doorashooyinka 2016 ka.

    Guddiyada Dawlad Gobaleedyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) waxay hadda ku guda jiraan dabagalka soo gudbinta liisaska ergooyinka doorashada ee xarumaha dawlad goboleedyada. Waxaa socda soo dhameystirka liisaska ergada, sidoo kale waxaa la sugay goobihii cod bixinta marka laga reebo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

    Waxaa lala wadaagay bulshada xogta ku saabsan doorashada 2016 ka iyadoo la qabtay war saxaafadeedyo, shirar jaraa’id iyo waraysiyo ay GFHDD si joogto ah u siiyeen Idaacadaha, telefishannada dalka iyo warbaahinta caalamka kuna soo baxay shabakadda doorashada 2016 ka (www.doorashada2016.so) si bulshada loola socodsiiyo geeddi socodka doorashada iyo heerarka ay marayso.

    Inkastoo horumar baaxad leh laga sameeyay arrimaha doorashooyinka, welina aan qorsheyneyno in aan ku soconno jadwalkii shaqada, haddana waxaa jira in hawlaha qaar ay ku dhameystirmi karin waqtigii loogu talagalay in lagu qabto, kuwaasoo ay ka mid yihiin caqabado isugu jira arrimo siyaasadeed, amni, hannaanka maamulidda miisaaniyadda doorashooyinka, iyo madax dhaqameedyada oo aan weli soo dhameeystirin liisaska ergooyinka.

    GFHDD waxuu ku hawlan yahay dadaallo uu xal ugu raadinaayo arrimaha Somaaliland ee la xiriira doorashada dadban iyo xal u helidda goobta lagu qabanayo doorashooyinka Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

    Haddaba si loo dardar geliyo hawlaha doorashada, isla markaana xal looga gaaro caqabadaha taagan, GFHDD iyo guddoomiyayaasha GDGHDD ayaa kulan wadatashi ah u billaabanayaa 23da Sebtembar 2016, kulankasoo ka dhici doona magaalada Muqdisho laguna go’aamin doono dib u xaqiijinta iyo ilaalinta farsamo ee jadwalka doorashada 2016 ka.

    Haddaba, GFHDD waxuu ku boorinayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka in ay soo dedejiyaan magacaabista musharraxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayagoo xil iska saaraaya in uusan dib u dhac ku imaanin hannaanka doorashooyinka 2016 ka.

    GFHDD wuxuu halkaan uga mahad celinayaa Madasha Hoggaanka Qaran oo maanta soo gudbiyay liiska magacyada Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban.

    GFHDD waxuu u mahad celineynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed dulqaadka iyo taagerada joogtada ah ay la garab taagan yihiin guddiyada ku hawlan geeddi socodka hannaanka doorashooyinka dadban ee 2016 ka.

    Waxaa sidoo kale mahadnaq mudan saaxiibada beesha caalamka taageerada maaliyadeed iyo midda farsamo ee ay ka gaysteen hirgalinta doorashadooyinka dadban ee 2016 ka.

    Dhammaad

    doorasho1doorasho2

    Doorashada 2016 Guddiga Doorashada Madasha Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Ganacsade caan ah oo caawa lagu dilay Magaalada Beledweyne
    Next Article Sheekh Shariif oo Maanta Muqdisho imaanaya iyo taagereeyaashiisa oo kacsan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo