Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Guddiga Doorashada lagu muransan oo soo saaray Jadwalka cusub ee Doorashada Aqalka Sare (Akhriso)

    Guddiga Doorashada lagu muransan oo soo saaray Jadwalka cusub ee Doorashada Aqalka Sare (Akhriso)

    December 23, 2020Updated:December 23, 20203 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga Doorashada Dadban 2020/21 ee lagu muransan yahay ayaa soo saaray jadwal cusub oo Doorasho, kadib markii uu shaqeyn waayey jadwalkii hore ee ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada.

    Guddiga ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay galabta ku shaaciyey waxaana ay shaaciyeen in 26-ka Bisha December 2020 la diiwaan gelin doono tartamayaasha Doorashada Aqalka Sare, iyadoo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada laga rabo inay soo saaraan liiska Musharaxiinta Aqalka Sare 29-ka bisha December 2020.

    Doorashada Aqalka Sare ayaa lagu sheegay jadwalka in lagu soo dhameystiro 31 December 2020 illaa 6 Janaayo 2021, inkstoo aan la ogeyn sida uu ku dhAqan gelayo jadwalkan cusub.

    HOOS KA AKHRISO

    Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) isagoo tix gelinaya heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ee ay wada gaareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ka koobnaa Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.

    Heshiiskaas oo dhigayey hannaanka iyo xilliga ay doorashadu ka dhacayso dalka.Guddigu isagoo ka duulaya hawlaha iyo waajibaaka loo igmaday iyo marxaladdan xaasaasiga ah ee uu dalku ku jiro iyo waxa ka dhalan kara dib u dhac kale oo ku yimaadda wakhtiga doorashada, loona baahan yahay in la xaqiijiyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo xilligeeda ku qabsoonta.

    Guddigu isagoo tix raacaya qodobada heshiiska 17 Sebteembar 2020, wajibaadkiisa shaqo ee uu Golaha Wadatashiga Qaran siiyayna gudanaya si ay dalku uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, wuxuu maanta oo ay tariikhdu tahay 23ka Diseembar 2020 shaacinayaa taariikhda rasmiga ah ee doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay dhacayaan.Sida ku cad hab raaca doorashada iyo heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran, waxaa lasoo hormarinayaa doorashada xildhibaanada Golaha Aqalka Sare oo ay qabanayaan Baarlamaannada Dowlad Goboleedyadu.

    Sidaas darteed, diiwaangelinta tartamayaasha Doorashada Aqalka Sare waxay bilaabanaysaa 26ka Diseembar 2020, halka laga sugayo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada in liiska murashixiinta ay soo saaraan 29ka Diseembar 2020, waxaana doorashada kuraasta Golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystirayaa inta u dhaxaysa 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

    Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed waxay sidoo kale 7da Jannaayo 2021 gudagalayaan diiwaangelinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xulista ergooyinka doorashada kuwaas oo lagu faahfaahiyay shuruudahooda habraacyada doorashada.

    Guddigu wuxuu rajaynayaa in dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka ay si hufnaan leh uga wada qayb qaataan tartanka doorashada, beelaha Soomaaliyeedna waa in ay kaalintooda ka qaataan hawlaha doorashada, xulista ergooyinka iyo ka qeybgalka tartanka kuraasta Labada Aqal, iyada oo laga fogaanayo dhammaan wixii khilaafaad keeni kara.

    Ugu dambeyn, korjoogayaasha gudaha iyo dibadda waa in ay qaataan doorkooda ku aadan la socoshoda sida doorashooyinka u dhacayaan, si loo xaqiijiyo hufnaanta hannaanka doorashada dalka.

    Image may contain: ‎text that says '‎Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya جمهورية Guddiga Hirgelinta Doorashooyink Heer Federaal FEIT2020-2021 الفيدرالية الإنتخابات Federal Election Implementation Team TX/D03/12/2020 Taariikh DOORASHOOYINKA 2020/21EE 3kDiseembar gelinaya 17kii gaareen Golaha Wadatashiga Qaran hoe koobnaa Madaxda Heshiiskaas dhigayey xilliga sagook kar igmaday dhacka yimaadda godobada heshiiska Sebteembar wajibaadkiisa taariikhda rasmigaa Wadatashiga Qaran, waxaa lasoo diiwaangelinta sugayo 2021. bilaabanaysaa Guddiyada kuraasta Jannaayo Federaal Dowlad Goboleed waxay sidoo doorashada. qaataan arrimaha doorashooyinka ergooyinka qeybgalka @doorashada2021 Ugu dambeyn, korjoogayaasha gudaha iyo dibadda waa in ay qaataan doorkooda aadan socoshoda doorashooyinka dhacayaan, xaqiijiyo nufnaanta hannaanka doorashada dalka. DHAMMAAD Wixii faahfaahin xiriir; Nacyigelinta, Heer Federaal Warfaafinta Hirgelinta iinfo@doorashada2021.s0 Facebook: itter:@doorashada2021‎'‎
    Doorashada Guddiga Doorashada Jadwalka Doorashada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamo ka Amar qaata saraakiil Milateri oo weerar kusoo galay Muqdisho iyo dagaal dhex maray Booliska..
    Next Article Ciidamo taageersan Musharixiinta oo Caawa ilaalinaya Amniga kulan ka dhacaya Hotel ku dhow Isgoyska KM4

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo