Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Guddiga Doorashada ee lagu Muransan yahay oo soo saaray Baaq aan laga fileyn (Akhriso)

    Guddiga Doorashada ee lagu Muransan yahay oo soo saaray Baaq aan laga fileyn (Akhriso)

    March 1, 2021Updated:March 1, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashada oo ay dhisay xukuumadda Federaalka ayaa soo saaray war-saxaafadeedkii ugu horeeyay ee in muddo ah, iyagoo soo jeediyeen baaq nabadeed oo aan laga fileyn iyo xal laga gaaro khilaafka.

    Guddigan oo ka mida qodobadda la isku hayo ee heshiiska laga gaaray in la bedelo inta badan xubnaha ka mida, ayaa baaqyo u kala diray dhinacyada isk heysta Doorashada iyagoo bogaadiyey Beesha Caalamka.

    AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA

    Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu ugu baaqayaa Golaha Wadatashiga Qaran ee dalka in ay deg deg isugu yimaaddaan, si loo xaliyo tabashooyinka kasoo laabtay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020.
    Guddigu wuxuu kaloo soo dhoweynayaa heshiiskii dhawaan ay wada galeen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa is fahamka waxyaabihii dhacay, waxaana guddigu ku boorrinayaa in ay sii wadaan dadaallada la isugu soo dhoweynayo dhinacyada siyaasadda iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka, si wadanka ay uga qabsoonto doorasho loo wada dhan yahay oo xor iyo xalaal ah.

    Guddigu isagoo ka eegaya xaaladda dalka dhinacyada amniga, siyaasadda iyo duruufaha kale ee nololeed ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed, una baahan in laga gudbo marxaladdan wuxuu ku baaqayaa in dhinacyada Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo ah cidda ay ka go’do taladda doorashadu ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebteembar 2020.


    Guddigu waxaa kale oo uu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada in ay ku dadaalaan, qaybna ka qaataan isu soo dhoweynta dadka, lagana fogaado hadallada ku dhisan kala kaxaynta iyo qaybinta bulshada.Guddigu wuxuu u mahad celinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay dadaaladii xal u helidda ee heshiiskii Muqdisho ka dhacay 25 Febraayo.

    Sidoo kale waxaa Guddigu u mahad celinayaa dadaalada xoogan ee ay Beesha Caalamka ugu kala dab qaadayaan dhinacyada si loo gaaro is faham buuxa.

    Ugu dambeyntii, Guddigu waxa uu shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in xalka kaliya ee marxaladdaan xasaasiga ah looga gudbi karaa ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhanyahay, iyadoo guddiguna diyaariyey dhammaan habraacyadii doorashooyinka ee loo baahnaa, una diyaarsanyahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, oo ka dhacda dalka, waafaqsanna heshiiskii siyaasadeed ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran.

    Doorashada Guddiga Doorashada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMartiini iyo Maanta: “Waxaan tiriyay muddo 3 saac ka badneyn 25 Ambulance oo Dad lee wada” (Qormo)
    Next Article XOG: Musharixiinta Mucaaradka oo diiday inay Madaxtooyada Somaliya u tagaan Kulan uu dalbaday Rooble

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo