Kursiga Fahad Yaasiin kusoo baxay iyo Saddex Kursi oo ay u sharxan yihiin Prof. Jawaari iyo Wasiir Jaamac oo dib loogu noqonayo Doorashadooda.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal (FEIT) ayaa go’aan ka gaaray Kuraasta la hakiyey natiijadooda, isagoo shaaciyey in dib loo qabanayo Doorashada kuraastaasi.
Qoraal goor dhoweyd kasoo baxay Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal ayaa lagu go’aamiyey in dib loogu noqdo doorashada dhammaan kuraastan, si loo saxo habraacii qaldamay.
Guddiga ayaa sheegay in la tixraacayo habraacii doorashadii 2016-kii, dibna laga soo sheegi doono qabashada doorashada kuraastan afarta ah, goorta iyo goobta lagu qaban doono.
Kuraasta lagu noqonayo ayaa kala ah: HOP154, HOP103, HOP086, HOP204.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
The Federal Election Implementation Team (FEIT)
War-Saxaafadeed: 06.April.2022
Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federal waxa uu halkan ku caddeynayaa sababaha loo hakiyay kuraasta tirsigoodu kala yihiin HoP#154, HOP#103, HoP#204 iyo HoP#086 oo horay guddigu u hakiyey:
HOP#154 oo doorashadiisa la qabtay 29 Nov 2021 laguna qabtay magaalada Baydhabo ayaan marin habraacii rasmiga ahaa. Kursigan oo markii la qabtay kadib baaritaan lagu sameeyey lagu xaqiijiyey mid ka mid ah musharaxiintii u tartameysay kursiga oo da ‘diisu ka yarayd 25 sano, taasoo ah mid burineysa habraaca doorashada ee musharaxnimo qodobkiisa seddexaad.
Guddigu markii uu xaqiiqsaday kadib ayuu waxuu ku dhawaaqay in ay natiijada kursigan waxbo kama jiraan tahay loona baahan yahay in lagu celiyo doorashadiisa mar kale.
HOP#103 guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federal ayaa waxuu soo saaray go’aan ku soo baxay warqada sumaddeedu tahay TXR/GHD/0056/21 kuna taariikheysan 27.Nov.2021 kaasoo lagu hakinayo qabashada doorashada kursigan kadib markii ay cabasho naga soo gaartay mid ka mid ah musharaxiinta kursigaan u tartamayey, kadib markaan xaqiiqsanay in la baal maray habraacii doorashada.
HOP#086 guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federal ayaa wuxuu soo saaray go’aan ku soo baxay wargada sumadeedu tahay FEIT/2017/2022 kuna taariikheysan 17 Feb 2022 kaasoo lagu hakinayo qabashada doorashada kursigan kadib markii ay cabashooyin naga soo gaareen oday dhaqameedyada jufada kursiga iska leh iyo mid ka mid ah musharrixiinta, kadib markaan xaqiiqsanay inay baalmarsan tahay habraaca doorashada.
HOP#204 guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federal ayaa wuxuu soo saaray go’aan ku soo baxay warqada sumadeedu tahay FEIT/13/03/2022 kuna taariikheysan 13 March 2022 kaasoo lagu hakinayo qabashada doorashada kursigan kadib markii ay cabashooyin naga soo gaareen malaaqa guud iyo samadoonada beesha kusiga iska leh.
Kadib markaan xaqiiqsanay inay cabashadoodu tahay mid caddeyneysa in la baal maray habraaca doorashada. Go’aanka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal waxaa uu go’aamiyey in dib loogu noqdo doorashada dhammaan kuraastan, si loo saxo habraacii qaldamay.
Iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016kii ayuu guddigu dib ka soo sheegi doonaa qabashada doorashada kuraastan, goorta iyo goobta lagu qaban doono.
