Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa ka hor yimid go’aan ay soo saareen shalay guddiga Doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland.
Qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa si cad loogu diiday in Doorashada xubnaha Aqalka sare ee Somaliland la qabanayo Sabtida 24-ka Bishan Disember, sida ay shaaciyeen Guddiga heer maamul ee Somaliland.
Akhri: Xilliga la dooranayo Xildhibaanada Aqalka sare ee Dirta Waqooyi oo la shaaciyay [Akhriso]
Qoraalka Guddiga uu madaxda ka yahay Cumar Dhegey ayaa lagu sheegay in go’aanka qabasahda doorashooyinka ay kaliya ku dhawaaqi karaan guddigooda sharcina u leeyihiin oo aanay jirin cid kale oo waqti u qaban karta Doorashada, arrintan mar kale muujineysa isku dhex yaaca ka jira Doorashooyinka iyo khilaafka weli ka taagan xubnaha Aqalka Sare ee loo qoondeeyay Somaliland.
AKHRISO QORAALKA GUDDIGA
Wadani.com