Guddiga qabanqaabada Doorashada iyo xalinta khilaafaadka Galmudug ee ay magacawday dowladda Federaalka ayaa kulan ay ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb, waxay iska dhex dooreen guddoon ka kooban Guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Galmuudg ayaa loo xulay C/naasir Geelle, iyadoo Guddoomiye ku-xigeen loo magacaabay Axmed Maxamed Caafi; Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xilka loo doortay kadib sheegay inay dardar gelin doonaan Doorashada Galmudug ee loo xil saaray.
Wuxuu sheegay in xilka loo igmaday ay kasoo dhallaali doonaan, ayna u caddaalad fali doonaan dadka Galmudug, ayna dadka Galmudug iyo shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan qorshe howleedkooda hannaanka Doorashada Galmudug.
Guddi kale oo uu magacaabay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ka jira magaalada Dhuusamareeb, kaasoo la filayo inuu dhowaan isna kulan yeesho, si uu guddoonkiisa u sameysto.


