Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, kadib soo-jeedin ka timid xildhibaannada Aqalka sare.
Guddi ka kooban 6 xubnood ayaa loo magacaabay inay qabanqaabiyaan Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo ka kooban Guddoomiye iyo laba Guddoomiye ku-xigeen.
Hoos ka akhriso Magacyada Guddiga
1- Sheekh Aadan C/Naasir Maxamed – K/Galbeed
2- Siciid Cabdi Xuseen – Somaliland
3- Farxaan Cali Xuseen – Puntland
4- Samsam Daahir Maxamuud – Galmudug
5- C/risaaq Maxamed Cusmaan – Jubbaland
6- Zamsam C/llaahi Axmed – Hirshabeelle

