Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad oo diiday Talo-soo jeedin ka timid Guddoomiyaha KMG ah ee Dooraahada Guddoonka.
Kulankii ugu horeeyay ee kalfadhiga koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa ku bilowday diidmo lagala hor tegay guddoomiyaha KMG ah C/sallaan Axmed Liibaan.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa diiday tal soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Kumeelgaarka ah ee Golaha Shacabka, taasoo ahayd inuu soo magacaabo 10 xubnood oo noqonaya Guddiga Qabanqaabinta Doorashada guddoonka Golaha Shacabka, isagoo xildhibaannada u jeediyey codsi ay inay odaytinimadiisa ku ayidaan inuu isagu soo xulo.
Dood arrintan ka dhalatay ayaa codkii loo qaaday waxay xildhibaannadu diideen inuu Guddoomiyaha KMG ah soo magacaabo Guddiga Doorashada Guddoonka, wuxuuna markaas kadib Danjire Dhabancad uu Xildhibaannada ka dalbaday haddii ay diideen talo soo jeedintiisa inay Beel waliba laba xubnood soo dirsato isla fadhigan.
Arrintin ayaa haddana dhalisay xaalad kale, iyagoo Xildhibaannada ay ku qabsan yihiin inay beelo isu raadsadaan oo kulamo iyo doodo hoose galaan, iyadoo degaano kala duwan laga soo doortay oon la ogeyn sida ay ugu heshiin karaan, taasina ay keentay in shaqo culus ay galaan xubnihii Baarlamaanka oo diiday in la fududeeyo magacaabista Gudigan oo ah shaqadii ugu horeysay.
Shanta Beelood oo ay ku jirto Beesha Shanaad ayaa muddo saacad ah loo qabtay inay Beel waliba iska soo xusho 2 xubnood, kadibna guddoomiyaha usoo gudbiyaan.
Guddiyadii hore ee Doorashada Guddoonka ayaa waxaa magacaabi jiray Guddoonka, kadibna waxaa cod u qaadi jiray Baarlamaanka, laakiin qaabkan cusub ayaa ah mid beelo u qeybinaya Baarlamaankii 11-aad.
