Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Guddiga Doorashada Heer Federaal oo Digniin u diray Guddiyada Dowlad Goboleedyada (War Culus)

    Guddiga Doorashada Heer Federaal oo Digniin u diray Guddiyada Dowlad Goboleedyada (War Culus)

    November 24, 2021Updated:November 24, 20213 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kuraastii la doortay Dib ayaa loo eegi doonaa, Doorasho kasta oo aan waafaqsanayn hanaanka loo asteeyey in loo maro guddiga xulista ergada waa la baarayaa

    Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa WAR SAXAAFADEED uu soo saaray ku sheegay inay soo gaareen cabashooyin badan, isla markaana wuxuu ballan qaaday in dib u eegis lagu sameyn doono doorasho kasta oo cabasho ka timid, lana baarayo ergada iyo sida loo xulay.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    Waxaa si habsami leh u socda Doorashooyinka golaha shacabka Soomaaliya oo soo bilaamatay 1 November 2021ilaa haddana toban kursi ayaa doorasho loo galay siday natiijooyinka hor dhac ahi tilmaamayaan. Waxaa kale oo inoo dhamaaday kuraastii Aqalka Sare.

    Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) wuxuu ku shaqeynayaa hanaan waafaqsan habraacii ay soo saareen madatasha wadatashiga qaranka, iyadoo aysan jirin habraac kale oo siyaasi, maamul ama masuul siyaasadeed soo saaray oo lagu dhaqayo doorashada, hanaankaas oo ay si wada jir ah u saxiixeen madaxweynayaasha maamullada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra’isuulwasaaraha Soomaaliya.

    Doorashada oo wakhtiyo kala duwan dib u dhac ku yimid, ayaa wakhtiga kama danbaysta ah ee guddigu u asteeyey in lagu soo gebagebeeyo ay tahay 24 Disembar, 2021, Haddaba guddiga oo ilaalinaya hufnaanta iyo shuruucda doorashada, waxaan siyaasiyiinta iyo cid kastoo danaynaysa doorashada u sheegaynaa in wax kastoo cabasho ah oo ka soo baxday kuraastii la doortay uu dib u eegi doono guddigu, doorasho kasta oo aan waafaqsanayn hanaanka loo asteeyey in loo maro guddiga xulista ergada iyo ergada wax dooranaysa uu noqon doono mid dhab ah loo baadho, go’aan ku haboonna laga gaadhayo.

    Haddaba si looga fogaado wax is daba marin iyo daah furnaan la’aan doorashada ku dhacda, waxaa guddigu farayaa guddiyada doorashooyinka heer maamul goboleed in ay dhowraan, ishana ku hayaan daah-furnaanta, caddaaladda, xeerarka iyo habraaca doorashooyinka hadda socda. Guddiga ilaa iyo hadda waxaa soo gaaray cabashooyin iyo talooyin ku aaddan doorashooyinka socda.

    Sidaadarteed, wuxuu guddigu ku samaynayaa badhitaanno dhammaan cabashooyinka. Waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegaynaa in wax kastoo baal marsan hufnaanta doorashada uusan guddigu marna aqbali doonin. Annagoo ugu baaqayna tartamayaasha iyo daneeyayasha doorashada in ay wixii cabasho ah u maraan hanaanka loo dejiyey in wax looga qabto murannada doorashada, iyadoo ay dhisan yihiin guddiyaddii loogu tala galay in ay wax ka qabtaan.

    Guddiyada doorashooyinka maamulaya waa guddiyo ka madax-bannaan siyaasadda iyo fara-gelinta siyaasi. Sidaa awgeed, waxaan faraynaa dhammaan guddiyada in ay waajibaadkooda u gutaan simadax-bannaan oo caddaalad ah.

    Waxaa kale oo aan madaxda Qaranka ku boorinaynaa in ay u madax baneeyaan hawlahooda doorashada, ayna ka caawiyaan adeegyada muhiimka ah ee ay u bahan yihiin, sida amniga iyo taakulaynta saad.

    Ugu danbayn, waxaan ummadda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ugu baaqaynaa in ay guddiyada ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda, si ka madax banaan fara gelinta siyaasadda iyo in ay shaqadooda u gutaan si hufan. Si doorashada golaha shacabku ugu dhammaato wakhtigii loogu tala galay, iyadoo marxaladdaan looga gudbi karo in doorashadu wakhtigeeda ku dhammaato, lana soo dhiso baarlamaanka 11.

    No photo description available.
    May be an image of text that says 'madax-bannaan 00 caddaalad 00 aan madaxda Qaranka ku boorinaynaa madax baneeyaan hawlahooda doorashada, ayna ka caawiyaan adeegyada muhiimka ah bahan yihiin, amniga yo aakulayntas Ugu danbayn, waxaan ummadda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ugu baaqaynaa ay guddiyada gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda, madax banaan fara gelinta siyaasadda shaqadooda gutaan hufan. doorashada golaha shacabku ugu dhammaato wakhtigii loogu tala galay iyadoo looga gudbi karo doorashadu wakhtigeeda ku dhammaato, lana soo lhiso aarlamaanka 1. >Dhammaad> ODORASHOOTINL Federal Election Implementation Team (FEIT)- Mogadishu, Somalia info@doorashada20216 @doorashada2021.so www.doorashada2021.s0- twitter: @doorashada2021'
    Baarlamaanka Doorashada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/casiis Lafta-gareen oo Prof. Jawaari ka hor istaagay Kursi xildhibaan iyo Musharaxa loo wado (Akhriso)
    Next Article Faahfaahin: Qaraxii Is-miidaaminta ee Muqdisho iyo Alshabaab oo War kasoo saartay Cidda la beegsaday

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo